Muuqaal: Xasuuqii Hargeysa ma Holikoosti bu ahaa?
Waxa la shaaciyey muuqaal cusub oo ka sheekeynaya dhimashada dad badan oo reer Hargeysa ah xilligii dagaalka sukeeye. Sheekada muuqaalka ayaa waxaa sheegaya qof aan Soomaali ahayn. Wax cadeyn ah ayaan lagu muujin filinka, lakiin waxa uu sheegay qofkan ajnabiga ah in la bartimaameedsaday beel gaar ah.
Filinkan ayaa loogu magac daray xasuuq Yahuuda uu Hitler u geystay. Halkan ka daawo muuqaalka.
Waxa dagaal sukeeyo oo ka dhacay dhamaadkii 1988 uu sababay dhimasho iyo burbur balaaran oo horseeday in Somaliland ay dib uga madax banaanato Soomaaliya. Lakiin Somaliland wali wax aqoonsi oo caalami ah ma helin.
Fikirka gooni isu taaga Somaliland ayaa aad loogu kala qaybsanyahay. Raisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo isagu madax u ah guddi madaxweyne Farmaajo u magcaabay dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Somaliland garwaaqsato wada hadalka inuu xal u yahay arrintan mudada soo jiitamaysay.
“Waa muhiim in miiska wadahadalka la isugu yimaado oo wada-hadal dhab ah la galo, lagana doodo hannaanka ugu habboon ee looga shaqeyn karo danaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu sheegay Mahdi Guuleed.
Waxa uu sheegay in ay sidoo kale muhiim tahay in dadka Somaliland lawaydiiyo waxa ay rabaan. Halkan ka daawo hadalka Raisal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya.
Somaliland iyadu way diiday guddiga iyada oo sheegtay in aynan jirin wax laga wada hadlo oo aan ka ahayn in ay Soomaaliya aqbasho in markii horena Somaliland ku biirtay Soomaaliya iyagoo madax banaan, hadana ay ka baxday oo madax banaanideedi dib ula noqotay.