Sawiro:-Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray degmada Guriceel
Posted On November 3, 2019
0
77 Views
0 
Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaannada ay horay gacanta ugu hayeen Ururka Ahlusunna Wal-jamaaca balse ay la wareegeen Ciidamada dowladda ayaa waxaa gaaray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Saraakiisha Taliska Qeybta 21-aad sida Taliyaha Qeybta General C/Casiis C/llaahi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed oo uu wehliyo Agaasinka Nabadsugida gaarka ah ayaa gaaray Saldhiga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo goobo Kale oo amaankooda ay la wareegeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed .
Saraakiishaan ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Hoggaanka Dhaqanka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaasi.
- Advertisement -